Maxay tahay sababta ay u baxsadaan ardayda iyo askarta Soomaalida ee la geeyo Turkiga?

0
500

Maxay tahay sababta ay u baxsadaan ardayda iyo askarta Soomaalida ee la geeyo Turkiga?

Tan iyo sanadkii 2011-ka markii uu Madaxweynaha Turkiga, Rajab Teyib Erdogan booqday magaalada Muqdisho, waxaa sii xoogeystay xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo xukuumadda Ankara, waxaana taas ay horseeday in Turkiga uu dhinacyo badan ka taageero Soomaaliya oo ay kamid tahay taageero dhaqaale, deeq waxbarasho iyo tababarka ciidamada.

Arday badan ayaa jamaacadaha dalka Turkiga ka helay waxbarasho lacag la’aan, balse qaar kamid ah ayaa fursadahaas u arka mid u sahli karta inay kaga sii baxaan dalkaas, si ay ugu tahriibaan qaaradda Yurub.

Weriye ka tirsan BBC-da oo dhawaan booqday magaalooyinka Ankara iyo Istanbul ayaa halkaas kula kulmay arday Soomaali ah oo xilligaas ku guda jiray sidii Yurub ay ugu tahriibi lahaayeen.

Mid kamid ah ardayda Soomaalida ee deeqda waxbaraho ka helay Dowladda Turkiga, balse magaciisa ka gaabsaday ayaa BBC-da u sheegay in qorshihiisu yahay sidii uu Turkiga uga tahriibi lahaa.

Ardaygan o xilliga aynu la kulanay wacayay dad ay saaxiibo yihiin oo horay u tahriibay, haddana ku sugan Yurub ayaa waxaa uu ka wareysanayay waddooyinka la maro iyo qaabka loo tahriibo.

“Waxbarasho ayaan dalka kusoo galay, balse maalmahan waxaan rajeynayaa sidii aan uga bixi lahaa oo waxaan rabaa in aan aado Yurubta lagu sii yaacayo, sababtuna waxay tahay mar haddii ay noolashada caqabad ku timaado, dantu waxay kugu qasbeysaa sida aysan ka fursaneynin in aad ku dhaqaaqdo”, ayuu yiri ardaygaas oo la hadlayay BBC-da.

Wuxuu sheegay in haddii xitaa uu wax ka barto Turkiga, dibna ugu laabto Soomaaliya ay adag tahay in uu shaqo helo, taasina ay ku dhalisay in uu noolal u raadsado dalalka Yurub.

Qaar badan oo kamid ah ardaydan oo dhib u maray helitaanka deeqda waxbarasho ayaa BBC-da u sheegay in markii hore ay moodayeen in ay waxbaran karaan, gelinna ay ka shaqeysan karaan dalka Turkiga, waxaa se ay qirsan yihiin fursadda ay beerdareynayaan.

“Fursad aysan ardayda kale helin ayaa khasaarinayaa, balse sabab ayaa igu kaliftay”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Arday badan oo Soomaali ah oo horay uga tahriibay Turkiga ayaa laga soo qabtay xadka dalka Turkiga uu la wadaago Giriigga, kuwaas oo dib loogu celiyay magaalooyinkii ay ka tahriibeen.

“Waa arrin horta naadir ah, waxaana filayaa in laba sababood ay keeni karto, sabab waa mid saameyn dibadeed ah oo qofkaas qaraabadiisa oo dibadda joogta ay u gacan haadiyaan oo ay yiraahdaan imaw, sababta labaadna waa saameyn kaga timaada saaxiibo iyo dad ay is yaqaanaan oo soo booqda dalka Turkiga,” ayuu yiri Cabdicasiis Sheekh Cabdiraxmaan oo safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha waxbarashada, hidaha iyo dhaqanka.

Ardayda oo keliya ma ahan dadka ka tahriiba Turkiga ee aada dalalka Yurub ee waxaa sidoo kale ku wehliya askarta dowladda Soomaaliya ee tababarka loo geeyo dalkaasi, kuwaas oo marka ay dhameystaan tababarka ka dhuunta xeryaha lagu hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here