Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye

0
469

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye

Qarax ismiidaamin ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goor dhoweyd oo saaka ah ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho, kaddib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhiftay goob canshuurta ay ku qaadaan Ciidamada Booliska.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada ayaa la sheegayaa inuu sababay khasaare fara badan, waxaana warar hordhac ah ay sheegayaan in dad ku dhow 10 ruux ay ku dhinteen.

Gawaarida gurmadka degdega ah ayaa goobta gaaray, kuwaasoo daabulaya khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Qiic iyo uuro ayaa cirka isku shareeray, iyadoo Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ay ka jirto xaalad kacsanaan ah oo goobta aheyd mid aad isugu qasneyd, waxaana hareeyay burbur, qiic, gubasho iyo buuq.

La soco wixii warar ee ku soo kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here