Madaxweynaha Eritrea Oo Gaaray Magaalada Addis Ababa

0
841

Madaxweynaha Eritrea Oo Gaaray Magaalada Addis Ababa

Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerk iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Afwerk iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Itoobiya kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan Golihiisa Wasiirada.

War qoraal ah oo bartiisa Twitter-ka uu kusoo qoray Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa uu sheegay in Gurigiisa labaad mar kale uu kusoo dhaweeyay Madaxweyne Afwerk.

Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerk ayaa inta uu ku sugan yahay halkaas waxaa uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyagoona ka wada hadli doona xiriirka u dhexeeya labada dal iyo Arrimo kale oo ku aadan Gobolka.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa maalin kahor booqasho ku tagay Magaalada Abu Dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, waxaana halkaas uu kula soo kulmay Dhaxalsugaha Maxamed Bin Zayed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here