Taliyaha Booliska Turkiga Oo Booqasho Ku Yimid Magaalada Muqdisho

0
500

Taliyaha Booliska Turkiga Oo Booqasho Ku Yimid Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa booqasho rasmi ah dhawaan ku yimid Taliyaha Ciidanka Booliska howlgalada Khaaska ee dalka Turkiga Selami Türker.

War qoraal ah oo kasoo baxay Safaarada Turkiga ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu in Taliye Selami Türker kulan uu la qaatay Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Saraakiil kale oo ka tirsan dowladda.

Sidoo kale Taliyaha iyo Saraakiisha amniga dowladda ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Ciidamada Booliska ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Warka kasoo baxay Safaarada Turkiga ee Somalia ayaa waxaa lagu xusay in Taliye Selami Türker uu Muqdisho uga qeyb galay Munaasabadii sanad-guurada 76-aad ee kasoo wareegatay markii la aas-aasay Ciidanka Booliska oo maalmo kahor lagu qabtay Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u tababarta howlagada sirdoonka, dembiyada abaabulan, qibradaha difaaca dalka iyo arrimo oo ku aadan dhanka tababarada Ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here