Shan ruux oo dil loogu xukumay dilkii Khashoggi

0
490

Shan ruux oo dil loogu xukumay dilkii Khashoggi

Maxkamad ku taal dalka Sacudi Carabiya ayaa ku xukuntay shan ruux dil, halka saddex kalana xabsi kadib markii lagu helay dambi ah dilkii Jamal Khashoggi sanadkii hore.

Khashoggi oo ah weriye caan ah oo aad u dhaliili jirey siyaasada dowlada Sacudi Carabiya ayaa lagu dhex diley qunsuliyadda Sacudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Xeer ilaaliyaha Sacudi Carabiya Shalaan al-Shalaan oo shaaciyay xukunka maxkamada ayaa sidoo kale sheegay in labo ka mid ah dadkii loo haystay dilka Khashoggi lagu waayay dambiga isla markaana la sii daayay.

“Maxkamada waxa ay ku xukuntay dil shan ruux oo si toos uga qeyb qaatay dilka Khashoggi halka saddex kalana lagu xukumay 24 sano oo xarig ah”ayuu yiri xeer ilaaliye Shalaan al-Shalaan.

Shanta ruux ee dilka lagu xukumay ayaa waxa ay kala yihiin Fahad Shabib Albalawi, Turki Muserref Alshehri, Waleed Abdullah Alshehri, Maher Abdulaziz Mutreb iyo Dr Salah Mohammed Tubaigy.

Dilka Khashoggi ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa amiirka boqortoyada sacudi carabiya ahna dhaxal sugaha boqortooyada,hase yeeshee amiirka ayaa beeniyay inuu wax lug ah ku lahaa dilka Khashoggi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here