Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka

0
569

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib Socdaalkiisii dalalka Qatar iyo Swizerland.

Ra’iisul Wasaaraha oo socdaalkiisa ka billaabay Qatar ayaa 14-15 Deseembar Dooxa uga qayb galay Madasha Dooxa waxuuna ka jeediyay khudbad uu uga hadlay hormarka Soomaaliya ka jira iyo dowrka ganacsatada ee dib-u-dhiska dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu dooxa u joogay ka qayb galka madasha Dooxa waxuu kulamo la qaatay dhiggiisa dalka Qatar iyo Xoghayaha maaliyadda Maraykanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo Deseembar 16, 2019, lagu soo dhaweeyay Geneva, ayaa Deseembar 17-18, 2019 waxaana uu ka qeybgalay madasha qaxootiga adduunka oo markii ugu horresay sanadkaan la qabtay, waxuuna ka jeedyay khudbad uu uga hadlayay xaaladda Qaxootiga Adduunka iyo sida ay muhiim u tahay in la isaga kaashado horumarinta nolosha qaxootiga

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxuu kulamo la qaatay madaxweynaha dalka Turkiga Erdogaan wasiirka arrimaha dibadda ee Sweden iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel Van Trotsenburg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here