Weerar ka dhacay Magaalada Boosaaso oo dhimasho iyo dhaawac sababay

0
444

Weerar ka dhacay Magaalada Boosaaso oo dhimasho iyo dhaawac sababay

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay lagu weeraray gaari ay la socdeen askar ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Xoogag hubeysan ayaa rasaas oodda uga qaaday gaari nooca raaxada oo ay wateen Ciidanka Daraawiishta, xilli ay marayeen Isgoyska Nedko ee Magaalada Boosaaso.

Weerarkan ayaa waxaa uu sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca mid kale, iyadoona loo qaaday Isbitaalka Bandarqaasim.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in raggaasi ay weerarka ka dib ka baxsadeen Isgoyska Nedko, oo daqiiqado ka dib ay gaareen Ciidamada Booliska Boosaaso.

Ciidamada oo halkaasi ka sameeyay baaritaan la xiriira raggaasi ayaa waxaa la soo sheegaya inaanay gacanta ku soo dhigin.

Wararka saaka laga helaayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ay hawlgalo ka wadaan qaar ka mid ah xaafadaha magaalada.

Inta badan weerarada ka dhaca Magaalada Boosaaso ayaa waxaa sheegta maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish, oo labada dhinac kaga kala sugan magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here