Muuse Biixi Oo Ergooyin badan kadub Xabsiga Kasii Daayey Mas’uuliyiintii Xisbiga Wadani

0
389

Muuse Biixi Oo Ergooyin badan kadub Xabsiga Kasii Daayey Mas’uuliyiintii Xisbiga Wadani

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa xalay xabsiga kasii daayey Mas’uuliyiintii xisbiga Wadani kuwaasi oo maalmo kahor lagu xirey magaalada Hargeysa.

Waxaa dib u helay xorriyadooda, Khadar Xuseen oo ah xoghayaha guud ee xisbiga Wadani, Afhayeenka xisbigan Barkhad Jaamac iyo sidoo kale Cabdi Ibraahim oo isna mas’uuliyiinta Wadani ku jira.

Xarrigoodan ayaa ka dambeysay kadib markii xisbiga Wadani uu ku dhowaaqay mudaaharaad ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi, kadib khilaaf ka dhashay guddiga doorashooyinka Somaliland.

Xisbiga Wadani ayaa soo dhoweeyey siideynta mas’uuliyiintan, iyadoo ay jireen dedaallo ay bixiyeen guddi dhex-dhexaadin ah oo si iskooda isku xilqaamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here