Sarkaal muhiim u ahaa isku xirka Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda oo duqeyn lagu dilay

0
566

Sarkaal muhiim u ahaa isku xirka Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda oo duqeyn lagu dilay

Kismaayo (Dalmar-News) – War ka soo baxay taliska Afrika ee Mareykanka ayaa waxaa looga hadlay duqeyn shalay diyaaradaha dagaalka dalkaasi ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.

Duqeynta oo ka dhacday magaalada Jilib ayaa waxa ay AFRICOM shaacisay inay ku dishay xubin sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Warbixinta AFRICOM ayaa lagu sheegay in sarkaalka la dilay uu muhiim u ahaa isku xirka Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda, islamarkaana uu xiriir toos ah la lahaa kooxda Al-Qaacida oo dagaal xoogan ka wada dalal badan oo ku yaalla caalamka.

Mareykanku ma shaacin magaca sarkaalka la dilay, balse wuxuu tilmaamay in duqeyntaasi aysan wax khasaare ka soo gaarin dadka rayidka ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in weerarkaasi ay ka qeyb qaateen ciidamada Soomaaliya oo uu ku aamanay doorka ay ka qaadanayaan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa xoojisay sanadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka weerarada xagga cirka ah ee ay ka fuliso koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here