Muxuu ra’iisul wasaaraha Pakistan u oggoladay in dalkiisa uu yimaado jilaaga caanka ah ee Sunny Deol?

0
957

Muxuu ra’iisul wasaaraha Pakistan u oggoladay in dalkiisa uu yimaado jilaaga caanka ah ee Sunny Deol?

Jilaaga caanka ee filimada dalka Hindiya, balse hadda siyaasiga noqday, Sunny Deol ayaa booqasho lama filaan ah ku tegay dalka Pakistan ee ay dariska yihiin Hindiya.
Sunny Deol ayaa Pakistan u tegay, si uu uga qeybgalo xus diimeedka Kartarpur oo lagu qabtay meel ku taala xadka labada dal.
Xus diimeedkan ayaa waxaa marwalba xusa dadka heysta madhabta Sikh ama dadka ay Soomaalidu u taqaano Singasingaha, kuwaas oo isugu yimaada xadka labada dal ee Pakistan iyo Hindiya.
Dowladda Pakistan ayaa furtay afar kilomitir oo xadka ah, si dadka ay u yimaadaan dhismaha caanka ee la siyaarto ee Gurdawara.
Kumanaan dadka aaminsan diinta Singasingaha ayaa siyaaro ahaan u yimaada halkaas, si ay u booqdaan dhismahaa caanka ah ee Gurdwara Darbar oo ay ku caabudaan sanamyo halkaas yaalay boqolaal sano.
Ra’iisulwasaareyaahsa dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa labada dhinac ee xadka ka daah furay xuska, waxaana labada dal ay horay ugu heshiiyeen in afar kilomitir oo dhinac walba ah la furo, si ay dadka ugu qabtaan xus diimeedka.
Sunny Deol ayaa markii uu halkaas tegay waxaa kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan dowladda Pakistan, waxaana uu u gudbay dhinaca kale ee Pakistan, halkaas oo uu kula kumay ra’iisul wasaaraha Pakistan, Imran Khan.
Inkastoo siyaarada lagu qabto xadka labada dal ayaa hadana dhismaha caanka ah ee la siyaarto ee Kartarpur waxaa uu ku yaala dhanka xadka Pakistan.

Sunny deol ayaa markii uu soo dhameystay siyaaarada waxaa uu dib ugu laabtay dalka Hindiya, halkaas oo uu warbaahinta maxaliga kula hadlay, una sheegay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Pakistan, jaceyl bandanna loo muujiyay.
Waxaa kale oo uu sheegay in tallaabadan uu ku tegay Pakistan ay bilaw u tahay heshiis nabadeed oo dhexmara labada dal ee Pakistan iyo Hindiya.
“Waxay ahayd kullan wanaagsan, waxaana la ii soo dhaweeyay si heer sare ah, waxaa la ii muujiyay jaceyl, tani waa bilawga heshiis nabadeed, waxaana filayaa in xaaladdu ay sidan sii ahaan doonta oo labada dhinac ay ku wada noolaan doonaan jaceyl”, ayuu yiri Sunny Deol oo la hadlay warbaahinta maxaliga ee dalka Hindiya.
Wuxuu inta raaciyay in aysan jirin sabab ay labada dal u dagaalaman, iyadoo la heshiin karo, wanaagana laga shaqeyn karo.

Sunny deol oo caan ku ah jilista filimada dalka Hindiya, kana soo muuqday inkabadan boqol filin ayaa horaantii sanadkan ku biiray siyaasadda, waxaana uu qeyb ka noqday xisbiga talada haya ee dalka Hindiya ee BJP.
Bishii May ee sanadkan ayaa Sunny Deol waxaa uu ku guuleystay kursiga deegaan barlamaneedka Gurdaspur, oo uu haatan ku matalo barlamanaka dalka Hindiya.
Atoorahan siyaasiga isku baddalay ayaa ka soo jeeda isla Magaalada laga soo doortay ee Gurdaspur oo ka tirsan gobolka Punjab.
Booqashada uu Sunny Deol ku tegay dalka Pakistan ayaa lama filaan ku noqotay dad badan, maadaam xiriirka labada uu xumaaday, oo uu gaaray halkii ugu xumeyd, waxana mar dalalka Pakistan iyo Hindiya ay ku dhawaadeen in ay ku dagaalamaan gobolka Kashmir.
Colaada u dhaxeysa labada dal ee hubka Niyukleyrka heysta, salkana ku heysa lahaanshaha gobolka Kashmir ayaa in mudoo ah soo jiitameesay, waxaana jilayaal badan oo u dhashay Hindiya, Sunny Deol na uu ka mid yahay ay ka sameyeen aflaan badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here