Madaxweyne Caan ah oo dhiiro galiyay in la garaaco Ardayda edebta daran

0
423

Madaxweyne Caan ah oo dhiiro galiyay in la garaaco Ardayda edebta daran

Madaxweynaha dalka Tanzania John Magafuli ayaa dhiiro galiyay in la canaanto sidoo kale la garaaco ardayda edebta daran, waxaana hadalkan uu jeediyay xili dalka Tanzaaniya aad looga hadal hayay macalimiin arday si xun u garaacday.

John Magafuli ayaa amaanay macalin muuqaalkiisa baraha bulshada lagu baahiyay isaga oo garaacaya arday edeb daro lagu eedeeyay, waxa uuna xusay Madaxweynaha caadi tahay in la garaaco lana edbiyo ardayda dhibka badan.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha dalka Talzaaniya in macalimiinta laga doonayo in marka hore ardayda edebta daran si tartiib ah u canaantaan hadii ay ka waantoobi waayaana ay si fiican u garaacaan.

Dalka Tanzaaniya waxaa ka jira sharci aan macallimiinta iyo maamullada dugsiyada waxbarashada dalkaasi u oggolaaneyn iney ardayda garaacaan, waxaana macallinka doonaya inuu arday garaaco laga rabaa in cadeymo la yimaado si loogu fasaxo in afar jeer kaliya ul ku dhufto ardayga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here