Guddoomiye Saleebaan Oo Taageero U Muujiyay Xildhibaanada Iyo Siyaasiyiinta Somaliland Ee Tagaya Caleemo-saarka Axmed Madoobe

0
416

Guddoomiye Saleebaan Oo Taageero U Muujiyay Xildhibaanada Iyo Siyaasiyiinta Somaliland Ee Tagaya Caleemo-saarka Axmed Madoobe

Hargeysa(Dalmar-News)-Guddoomiyaha golaha guuritda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa taageero u muujiyay xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Somaliland ee sheegay inay ka qaybgalayaan caleemo saarka madaxweynaha maamulka JubaLand Axmed Madoobe.

Guddoomiyaha galaha guurtida Saleebaan Maxamuud oo la hadlay warbaahinta  ayaa ku tilmaamay tagitaankoodaas mid aan xaaraan ahayn, waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi  “ Wax xaaraan ah may samayn,waxay ka qaybgaleen sow maaha nin la caleema saarayo ninkaasina malaa raga inoogu dhow xagaas ayuu ahaa aniga aflagaado iga tagi maysee adigana yaanay kaa tagin.”                                                                                   Xildhibaanada  iyo siyaasiyiinta Somaliland ee doonaya inay ka qaybgalaan caleemasaarka madaxweynaha Jubaland ayaa hadal hayntoodu isa soo taraysaa Somaliland, waxaana muuqata inay qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka ah ay ka digayaan.

Src: Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here