Golaha Wasiirada oo xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameeyay Taliyeyaasha Ciidamada

0
431

Golaha Wasiirada oo xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameeyay Taliyeyaasha Ciidamada

Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa lagu magacaabay taliyaasha ciidamada Difaaca, Nabad-sugidda, Booliiska iyo Asluubta.

Golaha wasiirrada oo ka jawaabaya soo jeedinta wasaaradaha difaaca, amniga gudaha iyo cadaaladda ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay magagaabista taliyayaasha ciidanka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa loo magacaabay Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa loo magacabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Taliyaha Booliiska ayaa loo magacaabay Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), halka Taliyada ciidanka Asluubta loo magacaaby General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here