Dowladda Somaliya oo sheegtay inaanay aqoonsanayn labada Madaxweyne ee Kismaayo lagu doortay

0
423

Dowladda Somaliya oo sheegtay inaanay aqoonsanayn labada Madaxweyne ee Kismaayo lagu doortay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqoonsaneyn doorashadii maanta ka dhacday Kismaayo.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay dhacdooyinka maanta ka soo cusboonaaday Kismaayo ee ku saabsan is caleema saar baal marsan habraacyada doorashooyinka Dastuurka iyo shuruucda dalka.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in aanay aqoonsaneyn natiijooyinka kala duwan ee ka soo baxay Kismaayo, kaasoo ay ku sheegtay in shaqsiyaad kala duwan uu mid walba gaarkiis u sheegto inuu yahay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Arrintan ayaa ka dhigan in Dib u doorashadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo doorashadii mucaaradka ay ku doorteen C/rashiid Xidig in intana Wasaaradda ku gacan seyrtay sharciyadooda.

Halkan hoose ka akhriso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here