Wasiirka Amniga Somaliya oo shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Wasaaradda Amniga

0
446

Wasiirka Amniga Somaliya oo shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Wasaaradda Amniga

Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), Wasiirka Amniga Somaliya ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, xilli uu magacaabay Agaaime ku meel gaar ah.

Warqad kasoo baxday Wasiirka AmnigaSoomaaliya kuna taariikheysan 17/8/2019  ayaa lagu sheegay in Shaqadii laga joojiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Yuusuf Cali Maxamed, isla markaana si KMG ah xilkaas loogu dhiibay Axmed Cabdi Kooshin.

Warqada ayaa lagu sheegay in Wasiirka uu tixgeliyay ahmiyada Agaasimaha Guud u leedahay  dhismaha iyo hannaanka shaqo ee wasaaradda Amniga hortaalla iyo go’aankii Golaha wasiirada ku baabi’iyeen Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here