Nin Maraykan ah oo loo xiray in uu halis ku yahay xarun Yahuud

0
432

Nin Maraykan ah oo loo xiray in uu halis ku yahay xarun Yahuud

Booliiska gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa xiray nin ay rumaysan yihiin in uu ku hanjabay in uu toogasho ka gaysan doono xarun ay leeyihiin dad Yuhuudda ah.
James Reardon oo 20 jir ah ayaa online-ka soo dhigay muuqaal nin toogasho gaysanaya wuxuuna ku dul qoray waxaan aqoonsanayaa xarunta Youngstown oo ku taalla Pittsburgh.
Baaritaan lagu sameeyay gurigiisa ayaa lagu soo qabtay qoryo dhawr ah, waxyaabaha jirka difaaca ee la xirto iyo qalabka madaxa la gashado ee difaaca qiiqa dadka ka ilmaysiiya, sida ay booliisku sheegeen.
Askarigii ku dhintay xabadda saaxiibtinimo
Faadumo Jibriil : Dharkaygii ugu horeeyay waxaa laga sameeyay mayrax
Warnaahinta Khaliijka ma loollan ayay kula jirtaa Ilhan Cumar?
Toogasho ka dhacday xarunta ay dadka Yuhuudda ah leeyihiin ee ku taalla Pittsburgh ayay sannadkii hore ku dhinteen 11 ruux.
James Reardon ayaa Sabbtidii laga xiray New Middletown, halkaas oo u dhaw Youngstown, waxaana lagu soo oogay dacwado la xiriira in uu ku hanjabay in uu gaboodfal gaysanayo. Isniinta ayuu maxkamad ka soo muuqan doonaa.
Baareyaasha ayaa sheegay in feejignaan la sameeyay markii uu Instagram-ka ka soo muuqday muuqaal tusinaya nin xabad ridaya oo qoraal lagu dul qoray: “Booliiska ayaa sheegay in ninka toogashada ka gaystay xarunta Youngstown Jewish Family Community uu yahay Seamus O’Reardon.”
Vince D’Egidio oo ah taliyaha booliiska ee New Middletown ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in Seamus O’Reardon uu xulafo la yahay James Reardon.
“Wuxuu tilmaamayay in loo aqoonsado in uu toogasho ka gaysan rabay xarunta Yahuudda. Arrintaas ayaana horseeday in baaritaan xoog badan la sameeyo, baaritaankaas oo si degdeg ah loo sameeyay,” ayuu yiri, sida ay ka soo xigatay warbaahinta WKBN-T.
Ilaalada xarunta Yahuudda ee deegaankaas ayaa sare loo qaaday, FBI-da ayaana lala xiriiray, sida uu sheegay D’Egidio.
Baaritaanka lagu sameeyay guriga ninka laga shakisan yahay ayaa horseeday in hub laga soo qabto, waxaa kale oo laga helay waxyaabo kale oo ay leeyihiin qolyaha ay madax martay la waynida caddaannimada.
Markii la xirayna xarunta Youngstown Area Jewish Federation ayaa soo saaray war qoraal ah oo ay ugu mahadcelinayaan laamaha ammaanka oo si dhakhso ah uga falceliyay arrintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here