Kooxda Daacish oo 63 ruux ku dishay qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Kabul

0
450

Kooxda Daacish oo 63 ruux ku dishay qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Kabul

Ugu yaraan 63 ruux ayaa ku dhimatay qarax xoogan oo lagu beegsaday xaflad aroos oo ka dhaceysay magaalada caasimada ah ee Kabul ee dalka Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiisha Amniga axada Maanta.

Nin ku hubeysnaa walxa qarxa ayaa habeenimadii xalay ee Sabtida isku qarxiyay iridka laga galo hotelka Dubai City, iyadoo dadka ku dhintay badi ay ahaayeen Shiicada laga tirada badan yahay ee Afghanistan.

Afhayeenka wasaarada arimaha gudaha Nasrat Raxiimi ayaa sheegay in dadka ku dhintay goobta ay badi ay ahaayeen caruur iyo haween ku sugnaa xaflada Arooska.

Weerarkan oo ah kii ugu dhimashada badnaa ee sanadkaan ka dhaca Afghanistan, ayaa waxaa sheegtay mas,uuliyadiisa kooxda la magac baxday dagaalyahanada Islaamka ee Daacish.

Qaraxaan ayaa ku soo aadaya iyadoo Mareykanka iyo ururka Taliban ay isku dayayaan in heshiis ay ka gaaraan wadahadalka nabada ee ka socda magaalada Dooxa.

Kooxda taalibaan ayaa dhanka kale beenisay in ay ku lug leedahay qaraxan, waxaana ay sheegeen in cadaalad darro ay tahay in lala xiriiriyo Weerarkan.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa canbaareeyay weerarkaan waxaana uu isugu yeeray kulan deg deg ah oo gudiga Amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here