Qeybtii ugu horeysay ee gantaalaha difaaca Ruushka oo la gaarsiiyay Turkiga

0
603

Qeybtii ugu horeysay ee gantaalaha difaaca Ruushka oo la gaarsiiyay Turkiga

Qeybtii ugu horeysay ee gantaalaha difaaca ruushka ee loo yaqaan S-400 ayaa gaaray dalka Turkiga, sida laga soo xigtay wasaarada Difaaca.

Arintaan ayaa xoojin doonta qilaafka u dhaxeeya Mareykanka iyo Turkiga oo xubin ka ah isbaheysiga NATO.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada difaaca ayaa lagu sheegay in qeybtii ugu horeysay ee qalabka gantaalahan ay gaareen saldhiga ciidanka cirka Murted ee ku yaal afaafka hore ee caasimada Ankara.

Gantaalahaan ayaa daabulidooda sii socon doonta maalmaha soo Socda.

Marka loo soo dhameystiro qalabeynta gantaalahan ayaa waxaa bilaaban doonta sidii loo bari lahaa adeegsigooda ciidanka amniga Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here