Weerar ismiidaamin iyo dagaal toos oo lagu qaaday hotel ku yaala Magaalada Kismaayo

0
463

Weerar ismiidaamin iyo dagaal toos oo lagu qaaday hotel ku yaala Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in goor dhow weerar ismiidaamin lagu qaaday Hotelka Cas Casey oo ku dhow Aargada Kismaayo, ka dibna ay dabley hubeysan gudaha u galeen hotelka.

Weerarkan ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka hore ee hotelka, waxaana xigay rag hubeysan oo gudaha u galay hotelkaasi.

Hotelkan oo ah mid amnigiisa aad loo ilaaliyo ayaa waxaa degan qaar ka mid ah murashaxiinta Jubbaland iyo weliba dad qurbajoog ah.

Ciidamada amniga Jubbaland oo gaaray hotelka la weeraray ayaa dagaal ku wajahaya raggii weerarka soo qaaday, waxaana aagga hotelka laga maqlayaa rasaas xoogan iyo bambooyinka gacanta laga tuuro.

Suxufiyiinta ka hawlgala Magaalada Kismaayo ayaa waxay soo sheegayaan in xaaladda magaaladu ay tahay mid aad u cakiran, isla-markaana ay ciidamada xireen wadooyinka soo gala hotelkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here