Gudiga milatariga Suudaan oo iskuday Afganbi ka Badbaaday

0
586

Gudiga milatariga Suudaan oo iskuday Afganbi ka Badbaaday

Gudiga milatariga Suudaan ayaa ka badbaaday afganbi milatari waxaana xabsiga la dhigay 16 sargaal sida ay tabisay warbaahinta Dowlada.

Afganbigaan dhicisoobay ayaa imaanaya iyadoo wadahadalo ay u socdaan golaha qaran ee Milatariga haya talada iyo dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suudaan.

Saraakiisha la xiray ayaa isugu jira xubno ka tirsan laamaha Milatariga sirdoonka iyo kuwa adeega qaranka oo waday isku day Afganbi oo ka dhan ah Janaraal Jamaal Cumar.

Tv-ga dowlada Suudaan ayaa xaqiijin xiliga uu dhacay isku daygan lagu maja xaabin rabay golaha qaran ee milatariga Suudaan.

Dhanka kale Janaraal Cumar ayaa sheegay in ay ku raad joogaan askar kale oo ku lug laheyd afganbiga Dhicisoobay.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii mucaaradka iyo milatariga ay ku heshiiyeen in la sameeyo gudi isku dhaf oo maamula suudaan sadexda sano ee soo socota inta laga gaarayo doorasho Madaxtinimo.

Suudaan ayaa laa daala dhaceysay jahawareer siyaasadeed tan iyo markii talada laga tuuray bishii April madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here