Iiraan oo isku dayday inay qabato markab uu leeyahay Ingiriiska

0
588

Iiraan oo isku dayday inay qabato markab uu leeyahay Ingiriiska

Doomo laga leeyahay Iiraan ayaa isku dayay in isku hor gudbaan markab uu leeyahay Ingiriiska oo marayay meel u dhaw marin biyood ku yaalla Khaliijka ka hor inta uusan u soo gurman markabka dagaalka ee ciidammada badda Ingiriiska, sida ay sheegtay waasaraadda gaashaandhigga ee dalkaas.

Afahayeen wasaaradda gaashaandhigga Ingiriiska ayaa waxaa uu sheegay in tallabada ay qaaday Iiraan ay kasoo horjeedo shuruucda caalamiga.

Iiraan waxay ku hanjabtay inay gacanta ku dhigi doonto mid kamid ah maraakiibta Ingiriiska ee mara gacan biyoodkaas balse waxay beenisay inay sameysay isku day argoosi ah.

Doomahan la rumeysan yahay inay lahaayeen ciidammada ilaalada xeebaha ee Iiraan ayaa sameeyay isku day ay ku joojinayeen markabka Ingiriiska oo marayay gacan biyoodka Hormuz.

Xafiiska xiriirka ee ciidammada ilaalada xeebaha Iiraan ayaa beeniyay wararka sheegayo inay isku dayeen inay qabtaan markab uu leeyahay Ingiriiska.

“Ma jirin wax isku dhacyo ah oo aan la galnay Markab shisheeye sida Mid Ingriiska laga leeyahay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ciidammada ilaalada xeebaha Iiraan.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Maxamed Javad Zarif waxaa uu sheegay in Ingiriiska uu wado warar uu ku abuurayo xiisad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here