Ma jiraan cuntooyin sare u qaadi karo howsha gogosha ama Sariirta?

0
1544

Ma jiraan cuntooyin sare u qaadi karo howsha gogosha ama Sariirta?

Haddii ay jiraan caddeymo ku saabsan in hal cunto ah oo aad qaadatid ay sare u qaadi karto hammadaada, waa arrin inta badan dadka ay raadin lahaayeen.

Balse qaadashada cuntooyinka isku dheelitiran, sare u qaadidda dhaqamada nolosha iyo caafimaadka wanaagsan waxay dhammaantood ka qeyb qaadan karaan inay xoojiyaan awooddaada dhanka gudashada howsha gogosha, su’aasha waxay tahay ma jiraan cuntooyin dabiici ah oo sare u qaadi karo howsha sariirta lamaanayaasha?.

Waxaa jiro cuntooyin leh nafaqo u wanaagsan xoojinta shahwada, waxaan eegeynaa taarikhda iyo mabaadii’yada seyniska ee sharraxaya cuntooyinka xoojin karaa howsha sariirta lamaanayaasha.

Caroogta baddaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionCaroogta badda

Cuntooyinka ku jira Caroogta badda

Sida la sheegay dadkii ku caanbaxay jeceylka waxay ku quraacan jireen 50 ka mid ah cuntooyinka ku jira Caroogta badda.

Ma jiro xiriir rasmi ah oo ka dhexeyn karaa xoojinta shahwada iyo cunidda noolaha ku jira caroogta badda balse waxaa jira haddallo laga sheegay arrintaas.

Cuntada ku dhex jirta Caroogta waxaa ku jirtaa maaddada Zinc oo horseedda nafaqada soo saarta biyaha ragga iyo isla markaasna sare u qaadda.

Daraasdda ayaa muujinya in maadada Zinc lagu daweeyo dalmo la’anta iyo waxay sare u qaadda tayada biyaha ragga.

Cuntooyinka laga helo maaddada Zinc waxaa kamid ah, Hilibka, Miraha sida, Bocorka, Lowska, Digirta, Caanaha iyo Cheese.

Cunidda JokolaatadaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionCunidda shukulaatada

Cunidda shukulaatada

Waxaa la sheega in shukulaatada ay ku jirto in yar oo kamid ah maaddada phenylethylamine (PEA), inkasta oo aan la ogeyn in shahwada ay xoojin karto ama in kale balse mirta laga sameeyo shukulaatada ee geedka Cocoa ayaa sare u qaadaa shaqada dhiigga ee jirka banii’aadanka.

Gormaa ayuu bilaawday, xiriirka ka dhexeyn karaa shahwada iyo cunidda shukulaatada?

Hernán Cortés oo u dhashay Spain ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee shaaca ka qaado shukulaatada guud ahaan dunida, waxaa uu xilliggaas warqad uu qoray boqorkii Spain ,King Carlos I oo uu sheegay inuu soo arkay nooc kamid ah Jokolaatada la cabo oo sare u qaado awoodda jirka isla markaasna ka hortaggo daalka.

Ma jiraan caddeymo muujinayo in shukulaatada loo adeegsan jiray xoojinta howhlaha gogosha ee lamanaayaashaa.

Cuntooyinka leh maaddada tryptophan ee ka qeyb qaadata jir dhiska waxaa kamid aha, Ukunta, Hilibka Shimbiraha, miraha,

BasbaaskaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionBasbaaska

Basbaaska

Basbaaska kulul ayaa sare u qaadaa shaqooyin jirka banii’aadanka sida heerkulka jirka, shaqada wadnaha, waxay arrimahaas ay dhacaan marka aad ku gudo jirtid howsha sariirta.

Waxaana basbaaska ku jirta maaddo la yiraahdo capsaicin oo daweysa dhabar xannuunka iyo muruqa.

A young woman in a bed is giving thumbs upLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Sideed ku yarayn kartaa daciifnimada xubinta taranka?

Daraasado la sameeyay ayaa muujinya in cunista waxyaabaha dhirta ka yimid asalkoodii in ay ka qeybqaadanayaan yareynta daciifnimada xubinta taranka.

Waxaa si gaar ah loo ogaaday in madooyin ku jira liin bambeelmada in ay aad u xoojiyaan xubinta taranka.

Cunista miraha ayaa la sheegay in boqolkiiba 14% ay xoojinayso shaqada xubinta taranka, halka waxyaabaha kale ee dhirta laga helo ay qiyaasteeda tahay boqolkiiba 21%.

Sidaas darteed waxaa lagugula talinaya in aad ka war haysid baquliga qudaarta iyo miraha kale duwan.

Miraha sida cannabka iyo qudaarta sida ansalaatada ayaa ah kuwa daraasadda lagu xusey in ay leeyihiin maadooyin ragga ka caawin kara hawsha gogosha.

Cuntooyinka badda ayaa la rumeysan yahay inay sare u qaadaan shahwadaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionCuntooyinka badda ayaa la rumeysan yahay inay sare u qaadaan shahwada

Dr Krychman oo ah khabiir ka falooda arrimaha gogosha waxaa uu sheegay in dadka haddii ay rumeysan yihiin in cuntooyinka qaar ay ka caawinayaan howsha gogosha aysan wax dhib ah ku jirin.

Haddii qofka uu dhibaato kala kulma howsha sariirta waxaa laga yaabaa inay heyso dhibaato caafimaad marka waa in uu la tashadaa dhakhtar caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here