Golaha Milateriga dalka Sudan & Xoogaga Mucaaradka oo gaaray heshiis cusub

0
567

Golaha Milateriga dalka Sudan & Xoogaga Mucaaradka oo gaaray heshiis cusub

Ciidanka Sudan ayaa heshiis awood qaybsi ah la gaaray xulafada mucaaradka inta ay dalka doorasha ka dhaceyso.

Wadahadallada labada dhinac ku dhex marayey qasriga madaxtooyada Khartoum oo horraanti toddobaadkan dib u billawday waxaa dhexdhexaadinayey Raisul Wasaaraha Itoobiya iyo Xubno ka socday midowga Afrika.

Dhexdhexaadiyaasha labada dhinac u kala dab qaadayey waxay sheegeen iney awoodaha ugu sarreeya dalka wareegto laga dhigay.

Midowga Afrikana wuxuu sheegay iney labada dhinac ku heshiiyeen in la dhiso dowlad madax bannaan iyo in la baaro rabshadihi toddobaadyadii ugu dambeeyey dhacayey iyo dhibaatooyinka ka dhashay.

Warka ku saabsan heshiiska labada dhinac ay gaareen markii la shaaciyey waxaa waddooyinka dalkaasi isugu soo baxay dadweyne heshiiska ku faraxsan.

Xaaladda dalka Suudaan ayaa cakirneyd tani iyo marka xilka laga tuuray Madaxweynihi hore ee Suudaan Omar Al-Bashir bishii April ee sanadkan.

Mudaharaadyada dalka Suudaan ka socday ayaa ahaa mid looga soo horjeeday xukunka Mr Bashiir oo talada dalka afgambi ku qabsaday June 1989.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here