Meydka askari 32 maalin ka hor lagu dilay Muqdisho oo aan wali la aasin

0
598

Meydka askari 32 maalin ka hor lagu dilay Muqdisho oo aan wali la aasin

Ehelada askari ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo 2-dii bishii 6-aad sanadkan 2019 lagu dilay degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir ayaa wali aasin meydka marxuumka, kaasoo ku jira qaboojiye, sida ehelkiisa ay Warbaahinta gudaha u sheegeen.

Nabadoon Xaaji Xasan Calasow Gaab oo ka mid ah ehelka askariga geeriyooday ayaa sheegay in maanta ay tahay 32 maalin inta aan la aasin meydka, wuxuuna sababta ku sheegay in aysan wali arag cid ay kala xisaabtamaan mas’uuliyada dilka marxuumka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 12-kii bishii hore u saaray Kiiskan Guddi uu hoggaaminayo Jeneral Bashiir Goobe Taliyaha Ciidanka Asluubta, waxaana guddiga ku jira Taliyayaasha Ciidamada Milatariga iyo Boolisa iyo Duqa magaalada Muqdisho, kuwaasoo markii dambe baaritaanka kiiskaas iyo natiijadii ka soo baxday ku wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Nabadoon Xaaji Xasan Calaswo Gaab, ayaa sidoo kale tilmaamay in madaxda dowladda ay haatan qirsan yihiin in si khalad ah uu u dhacay dilka askariga, haatanna ay xiran yihiin dad loo heysto dilka marxuumka oo ka tirsan booliska Xamar Weyne, kuwaasoo baaritaano ay ku socdaan.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneral Zakiya Xuseen Axmed ayaa qoraal ay soo dhigtay barta Twitterka isla habeenkii uu dilkan dhacay waxa ay ku sheegtay in Ciidamada ammaanka ay dileen nin burcad ah oo dhac ka geysanayay Suuqa Xamar Weyne, balse waxaa hadalkeeda beeniyay Jen. Bashiir Goobe oo sheegay in ninka dhintay ahaa askari ka tirsan Xoogga dalka.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here