Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ay kaga hadlayaan Sharciga Shaqaalaha ku leh Muqdisho

0
508

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ay kaga hadlayaan Sharciga Shaqaalaha ku leh Muqdisho

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta taariikhduna ku beegan tahay 6/7/2019 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta koowaad ee wax ka badalka sharciga shaqaalaha rayidka iyo warbixinta Baarlamaanka Jaamacadda Carabta.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .

Kulamadda Xildhibaanadda ayaa baaqanayay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ku baaqay in xildhibaanada ay soo xaadiraan kulanka, islamarkaana Cidii maqnaata lala xisaabtami doono.

Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ayaa ku maqan Gobolada dalka Somaliya, halka qaarkoodna iyaga oo ku sugan Muqdisho aysan tagin kulamada Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here