Booliska Somaliland oo faah faahin ka bixiyay Shil ay ku dhinteen dad Ajaanib ah

0
554

Booliska Somaliland oo faah faahin ka bixiyay Shil ay ku dhinteen dad Ajaanib ah

Booliska Somaliland, ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen Shil ay ku dhinteen Afar ruux oo laba ka mid ay yihiin Ajaanib, halka labadana kalena ay yihiin Somali, Shilkaasi oo shalay galab ka dhacay Degmada Dacar buluq ee Somaliland.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland, ahna Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka Faysal Xiis oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay Shilkaasi inay ku dhinteen laba ruux oo u dhalatay dalka Bangladesh & laba Somali ah.

Wuxuu sheegay inay ku dhaawacmeen dad gaaraya illaa 10 ruux, kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii saarnaa gaariga Shilka galay.

“Shilkaasi waxaa sababay darawalkii gaadhiga waday, Afar qof ayaa ku dhimatay oo laba Bangaladhesh u dhalatay, labana Somaliland yihiin, waxaa kale oo ku dhaawacmay 10 ruux oo Afar Bangaladesh yihiin lixna Somali, durbadiiba Ciidamada Booliska ayaa u gurmaday Shilkaasi.” Ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland.

Inta badan wadayaasha gaadiidka dadweynaha oo xawaare sare ku socda ayaa sabab u noqday in gaadiidka Shil galaan, waxaana muddooyinkaan dambe Shilalka ay noqdeen kuwa ku soo badanaya inta u dhaxeysa Magaalooyinka Burco & Hargaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here