Dad ka badan 200 oo ruux oo maalin walba ugu dhinta caalamka qaniinyada Masaska

0
607

Dad ka badan 200 oo ruux oo maalin walba ugu dhinta caalamka qaniinyada Masaska

Qaniinyada masaska ayaa sanad walba waxaa u dhinta dad ku dhow 140,000 oo ruux halka ay afar boqol oo kun oo kale ay naafeyso sida lagu daabacay warbixin ay daabacday hay’ada Wellcome Trust ee xarunteedu tahay wadanka Britain.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in tirada sii kordheysa ee waxyeelada suntan masaska ay sabab u tahay iyadooay aad u yaraatay dawooyinka loogaga hortago faafista sunta masaska.

Dalalka ugu badan ee waxyeelada masaska laga soo calaamadeeyay ayaa waxaa kamid ah wadamada ka hooseeya saxaraha ee qaarada Afrika iyo weliba wadamo ku yaal qaarada Asiya

“Qaniinyada masasku waa xaalad la daaweyn karo marka loo helo dawada lagula dagaalamo sumaha masaska waana lagu badbaadi karaa.”ayuu yiri Professor Mike Turner, oo ah Agaasimaha Cilmiga ee hay’ada Wellcome.

Si kasta ha ahaatee waxaa jira qorshayaal lagu doonayo in lagu xakameeyo waxyeelada qaniinyada masasku ee caalamka iyadoo lacag gaareysa $136 million lagu maalgelinayo olole dadka loogaga wacyigelinayo waxyeelada qaniinyada masaska.

Sidoo kale hay’ada Wellcome Trust ayaa qorsheyneysa maalgelin gaareysa £80 million ($101.3 million) toddobada sano ee soo socota halka tobanki sano ee la soo dhaafay ay ka ahayd maalgelinta kahortaga qaniinyada masaska £30 million ($38 million).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here