Askar ku dhaawacantay Qarax ka dhacay Baydhabo

0
474

Askar ku dhaawacantay Qarax ka dhacay Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay Bam Gacmeed lagu weeraray Kontorool ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed.

Kontoroolka la weeraray oo lagu magacaabaa Cali Amxaar ayaa waxaa uu ku yaallaa Xaafadda Hawlwadaag, laanta Onodka, waana Koontarool si weyn loogu baaro gaadiidka soo galaya Magaalada Baydhabo.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka waxa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba askari oo mid ka mid ah xaaladiisa ay liidato, waxaana lagu dabiibayaa xaaladooda Caafimmaad Isbitaalka weyn ee Baydhabo.

Ciidamada ammaanka ayaa qaraxa kadib rasaas xooggan furay, lamana soo sheegin wax khasaare ah oo qaraxa ka dhashay, iyadoo baqdin ay soo wajahday dadkii Shacabka ahaa ee ka agdhawaa aagga ay wax ka dhaceen.

Ciidamada booliska ee Koofur Galbeed ayaa weerarka kadib magaalada ka sameeyay howlgallo baaritaano ah, waxaana ku soo qabteen dhalinyaro lagu tuhunsan yahay inay weerarka wax ka ogaayeen, inkastoo dadka deegaanka ay soo sheegeen inay goobta ka baxsadeen Kooxdii qaraxa geysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here