Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta su’aalo waydiinaya masuuliyiinta amniga

0
665

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta su’aalo waydiinaya masuuliyiinta amniga

Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah waxa ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, iyadoo Ajandaha kulanka uu yahay ka doodista xaaladdaha amniga ee Muqdisho.

Kulanka Xildhibaanada ayaa maanta waxaa lagu wadaa inay hortagaan oo ay ka qayb galeen Wasiirada Amniga, Gaashaandhigga, Duqa Muqdisho & Taliyeyaasha Ciidamada oo su’aalo adag lagu waydiin doono Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa sheegay kulanka maanta inuu yahay mid xasaasi ah oo amniga ku saabsan.

Rajada laga qabo inuu furmo ayuu sheegay inay tahay mid wanaagsan, kadib markii todobaadkii la soo dhaafay laba mar uu baaqday kulanka Baarlamaanka, sababo ku aadan dhanka Kooramka.

Kulanka Xildhibaanada ee maanta ayaa wuxuu yahay mid xasaasi ah oo si wayn isha loogu haayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here