Wararkii ugu dambeeyay qaraxii caawa ee Muqdisho

0
541

Wararkii ugu dambeeyay qaraxii caawa ee Muqdisho

Ugu yaraan hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, todobo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax xooggan oo caawa ka dhacay ka soo horjeedka Dugsiga Tababarka Booliska Jen. Kaahiye ee degmada Xamar Jajab.

Qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa jugtiisa si aad ah looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayay uuro iyo holac ka baxayay goobta qaraxa ka dhacay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa lagu dhiftay afaafka hore ee Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye, waxaana uu ahaa qarax ismiidaamin ah.

Qaraxan caawa ayaa su’aalo badan laga keenay sida ay ku suura gashay goobta uu ka dhacay oo aheyd meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo, gaar ahaan Xaruntii tababarka Booliska, sidoo kale waxaa u dhow waddo aada Garoonka diyaaradaha oo ay isticmaalaan gaadiidka gaarka ah, sida kan Madaxweynaha iyo Madaxda kale.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa caawa ka dhacay Muqdisho, waxaana ay tilmaamtay inay beegsaday goob ay ku kulansanaayeen saraakiisha ammaanka.

Magaalada Muqdisho ayaa todobaad waxaa ka jiray xaalad amni, iyadoo la xiray waddooyin badan, ciidamada ammaanka ayaa magaalada labo qeyb u kala qeybiyay, iyadoo ay adag tahay in gaadiid ka soo gudbo isgoysyada Wadada Wadnaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here