DAAWO : Madaxtooyada Somaliland Oo Ganacsade Axmed Geele Ku Sheegay Nin Lacag Soo Dhacay Isla Markaana La Aqbalaynin In Hargeysa Kulasoo Dhuunto

0
769

DAAWO : Madaxtooyada Somaliland Oo Ganacsade Axmed Geele Ku Sheegay Nin Lacag Soo Dhacay Isla Markaana La Aqbalaynin In Hargeysa Kulasoo Dhuunto

Hargeysa (Dalmar-News):- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo warqad ka akhrinaayey qoraal ayaa waxaa uu ka hadley arinta ka dhex taagan Ganacsade Axmed Cismaan Geele iyo Dawlada Jabuuti .

Afhayeenka ayaa sicad Ganacsade Axmed Cismaan Geele ugu sifeeyey nin lacago ka soo dhacay Bangiyo dalka Jabuuti ku yaala isla markaana waxaa uu sheegay in Hargeysa aaney aheyn meel lagula soo dhuunto lacagaha caalamka laga soo dhaco .

Sidoo kale Afhayeenka ayaa cadeeyey in xukuumada Somaliland ay ogolaatey in Bangi Faransiiska laga leeyahay uu Hargeysa Dacwad kaga furo Ganacsade Axmed Cismaan Geele , waxana uu afhayeenku dhinaca kale Ganacsade Axmed ku eedeyey in sharciga ka talaabsadey oo beelo abaabulay gaar ahaan madax dhaqameedka beeshiisa oo war moog ku tilmamay na uu kiciyey

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here