Waa Kuwee 6-da Xidig ee Bollywoodka Ka Tirsan Kuwaaso Luuqada English-ka Aan Ku Hadli Karin

0
1146

Waa Kuwee 6-da Xidig ee Bollywoodka Ka Tirsan Kuwaaso Luuqada English-ka Aan Ku Hadli Karin

Bollywoodka waxaa kudhexjiraan shaqsiyaad badan oo aan waxbarashada heer wacan aan ka gaarin oo ay fursada u saamixi weyday inee waxbartaan.

Waxaan idiin heynaa 6 jilaa oo luuqada English-ka ku hadalkiisa dhib ku ah si wanaagsana aanan ugu hadli Karin hadana daafaha caalamka caan ka ah markii sheekada English timaadona waxay camirtaan luuqadoda Hinduga ah.

Fadlan halkaan hoose kaga bogo 6 jidaa ee luuqada ingiriiska ku hadalkeeda dhib ku ah:

Kangana Ranaut:

Waa atirisho dal iyo dibad caan ka ah markii ay gurigeeda kasoo tageesay waxay goaansatay inee caan noqoto mana aysan helin fursad y wax kubarato oo ayadoo iskuul hoose dhiganeysa aye waxbarashada joojisay luuqada English-kana ma aysan baran.

Sidaa aawged Kangana luuqada waa ku dhib ku hadalkeeda sidii la rabayna uguma hadli karto waana sababta ay badana u adeegsato luuqadeeda hinduuga h.

Akshay Kumar:

Khiladi Kumar waxuu ku jiraa liiska xidigaha Bollywoodka dhibka ku qabaan ku hadalka luuqada Englishka dhab ahaan Akki wuu garanayaa Englishka oo waa nin qabiir ah mudo dheerna fanka ku jiray.

Balse waa atoore inta badan adeegsada luuqada hinduga marka uu qudbeenayo sababto ah fagaao cad ayuu hada kahor ka sheegay in uu si wanaagsan ugu hadli Karin English-ka sidaa aawgedna uu diidayo inee wax ka qaldamaan sidaa aawged maba jecla inuu ku hadlo Ingiriis isagoo fahmayaa hadana awooda inuu ku hadlo ayuu hadana u badneen adeegsigeeda.

Karisma Kapoor:

Quruxleydaii 90-kii Bollywoodka ku faani jireen Karisma Kapoor ku hadalka English-ka waligeed ayuu dhibaayey si wanaagsana uma aysan aqoonin oo wey jajabsan jirtay waxaana ugu wacan waxbarasho dhameestiran ma aysan helin yaraanteda oo fikirkeda waxuu ahaa atirishonimo.

Sidaa awged Karisma uma badno ku hadalka ingiriiska ayadoo adeegsata hinduga maadam aysan si wanaagsan u garaneynin luuqadaas..

Rajnikanth:

Super Star-ka koonfur India Rajni Eng kuma hadli karo gabi ahaanba waana ku dhib inuu luuqadaas adeegsado jilaagan maadama uusan waligiis isku taxluujinin inuu barto yaraantisana nolol dhib badan ayuu ku noola isago dhibaatooyin fara badan soo maray waxbarashona aanan helin.

Markii uu soo weynaadayna waxuu noqday atoore oo luuqadaha India loo hadlo unbuu ku dhex bartay bulshada uu kudhex noola sidaa aawged waa ku dhib ku hadalka luuqada ingiriiska jilaagan.

Nawazuddin Siddiqui:

Mid kamid ah jilayaasha ugu caansan Bollywoodka Nawaz waligiis ayuu necbanaan jiray ku hadalka Eng maba ka helo maadama uu ku dhibtooday inuu si toos ah ugu hadlo heerka uu maanta joogan xirfada jiliinkiisa ayuu kusoo gaaray.

Govinda:

Boqorka shactirada dalka India Govinda waligiis luuqada hindiga ayuu ku hadli jiray maadama si dabiici ah yaraantisa ugu dhibtooday ku hadalka Engl isagoo dadaal badan iyo waxbarasho umaray siduu ugu hadli lahaa Eng waayo aad ayuu u jeclaa luuqadaas jilaagan.

Balse si dabiici ah ayuuba u kari waayey markii dambena luuqadiisa ayuu iska camirtay ku hadalka English-kana waa ku dhib ilaa hadan oo si toos ah uguma hadli karo balse waa jajabsana..

 

filimside

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here