Gudoomiyaha golaha Shacabka oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti.

0
750

Gudoomiyaha golaha Shacabka oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa maanta Madaxtooyada dalka Jabuuti kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Mursal oo socdaal aan hore loo sii shaacin ku tagay dalka Jabuuti todobaadkii hore, ayaa manata booqday Madaxtooyada, halkaasoo si weyn uu ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jbauuti.

Si dhab ah looma faahfaahin waxyaabaha ka soo baxay kulanka, waxaase jira warar sheegaya inuu kala soo hadlay howlgalka ka dhanka ah Shabaab ee lagu wado in lagu qaado deegaanada ay dalka kaga suganyihiin.

Geelle, ayaa Soomalaiya u soo diray inkabadan Kun Askari oo katirsan howlgalka Amisom, waxeyna Ciidamadiisa ka howlgalaan gobolka Hiiraan, iyagoo slahdigooda ugu weynna uu ku yaalo magaalada Beledweyne.

Kulanka waxaa Madaxweyne Geelle ku wehlinayay; Habdhowraha baarlamaanka Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Xasan Nuur, Xoghayaha maamulka ee baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi Buux iyo Lataliyaha sare ee Gudoomiye Mursal C/Qaadir Jaamac.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here