FAA’IDADA GUURKA WAX BADAN KA OGOW W/Q khaled yousuf Guntade

0
2675

FAA’IDADA GUURKA WAX BADAN KA OGOW W/Q khaled yousuf Guntade

Guurku waa xidhiidhka ka dhexeeya lamaanaha nolosha wadaaga, waa aasaaska ama yagleelka qoyska,kaas oo ay ka unkanto nolosha qoysnimo. Guurku waa xadhiga isku haya bulshada, waana kan isirku ka beermo ee nolosha aayatiinka leh laga dheefo,waxana ku duugan faa’idooyin badan oo dhaxal gal ah.
Haddaba akhriste waxan jecelahay inaan halkan kusoo gudbiyo shan faaido oo guurku leeyahay, kuwaas oo ah sidatan:-

1- Ubad kaa hadha:- Faa’iidooyinka guurka ta ugu horreysaa waa sidii lagu heli halaa ubad, si aanay tafiirta dadku u dabar go’in. Ubad dhalistu waa inay yeelataa afar ulajeeddo oo kala ah:
– Inaad ku doontid raallinimada Alle, maadaama aad gacan ka geysanaysid siday tafiirta dadku kusii socon lahayd.
– Inaad ku doontid raallinimada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) kol haddaad ku kaalmeyneysid siduu ummadaha kale tirada ummaddiisa ugu faani lahaa badni awgeed.
– In Eebbe ku siiyo ubad khayr qaba oo kuu soo duceeya kolka aad dhimatid.
– Inaad ku doontid shafeeco kolka ilmo yari kuu saqiiro.
2- Dhufays aad ka gashid Shaydaanka:-
Guurku waxa uu kaa awdaa meeluhuu shaydaanku kaasoo gelayey, mar hadday wuxuu xaaraan ku raadi ku lahaa gurigaga kuu yaallaan iyagoo xalaal ah. Qofku hadaanu Alle ka cabsi iyo iimaan ku lahayn , rabitaankiisa jinsi ayaa hor kaca, haddii markaasi aanu helin guur xalaal ah, siduu dembiga isaga ilaaliyaa way adag tahay.
3- Qalbigoo kuu dega iyo laabtoo kuu qabowda:-
Shaqo tay naftu u jeceshahay haddaan loo helin waqti nasasho, waa lagu daalayaa dabeetana la’iska deynayaa. Haddaba maxaad ka odhan lahayd hadday shaqadaasi tahay taqwada Alle oo ay iyada iyo naftuba isdiidayaan!. Saacadaha uu ninku ku hawlan yahay cibaadada Alle iyo camalka adduunyo, waxaa habboon inuu dhexgashado waqti uu xaaskiisa kula baashaalo, si qalbigu ugu dego, laabtu ugu qabowdo firfircoonaanna uga qaado.
4- Hawshii guriga oo hoggaankeedii kaa wareego:-
Ninka oo ka xorooba maamulka guriga sida hagaajintiisa, xaaqistiisa, goglistiisa, cunto karinta iyo diyaarinta, alaab dhaqista, suuq kasoo adeegga, iwm waxaana haboon inuu ninku ka caawiyo afadiisa shaqooyinkaa ., waxay siisaa waqti dheeraad ah oo uu ku shaqaysto, wax ku barto, Allena ku caabudo. Rasuulkeenna suubban (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis uu soo saaray Tirmidi ku leeyahay: (Midkiin ha yeesho qalbi Alle ku mahadin og, carrab Alle xusid badan iyo haweeney mu’minad suubban ahoo Aakhiradiisa ku kaalmeysa). Haddaba dumarka looma guursado oo qura in adduunyada lagu raaxaysto, carruurna laga daadiyo, balse hadafka ugu muhiimsani waxa weeye inay kuu abuuraan waqti iyo jawi aad Alle ku caabuddid.
5- Nafta ood kula dagaallantid daryeelka qoyska:-
Nafta ood ku jara-bartid qaadista mas’uuliyadda reerka, daryeelkiisa, gudashada waajibka kaa saaran xaaskaaga, dabeecaddeeda oo aad ugu samirtid, dhib wixii kaaga yimaada oo aad u dulqaadatid, hanuuninteeda oo aad u hawlgashid, dadaal aad u gashid sidaad meher iyo masruuf xalaal ah ugu keeni lahayd, carruurta oo aad ku t…
[13:59, 1/29/2019] XASAN DALMAR: SIDEE AYUU QOFKA NOLOSHISA U BEDELI KARAA
Runtii adduunkan aan joogno ma aha mid joogto ah waa aduun si dhaqsi isku bedela tusaale waxa inoogu filandhulka aan dul saaranaahy surcada uu ku ordayo ama uu sameynayo lama qiyaasi karo saacadiba dhulka waxa uu sameynaya 1000km .
Nolosha oo idil waxay ku dhisantahay is bedel malinta waxay isku bedeshaa habeen ,habeenkuna wuxu isku bedelaa maalin
Marka qofka waa inuu ku fikiraaa side ayaa isbedel joogta ah u sameyn karaa isbedelkaasi waaa inaad isku bedesho dhinac wanagsan ha ahaato isbedelkaasi mid ku tacaluqa Aakhiradaada ama ha ahaato mid ku tacaluqa Adduunkaaga, isbedelka qofka waxa u aasaaas ah xiriirka uu la leeyahay naftiisa guushaada iyo guuldaridada ba waxa ay ku xirantahay naftaada calaaqada aad la leedahay
Horumarka aad sameynayso ama isbedelka waa inay jirtaa meel kuu muuqata ama Targetaad rabto inaa gaarto sidokale hadafkada waa inuu ahaada mid SMART ah taaso micnahedu ka tarjumeyso
S=Specific: taaso loola jeedo hadafkaga waa inuu yahay hadaf xadidan oo cayiman
M=Measurable: Hadafkagawaa inuu yahay mid la cabiri karo oo la xisabin karo tusaale maxad ka gudatay hadafkaga oo kuu qabsoomay inaad is weydiiso
A= Achievable: waa inu noqda hadafkagu wax la gaari karo oo la xaqiijin karo wax adan xaqiijin Karin hadaf haka dhigan oo aad gaari Karin.tusaale waxad tiri waxan rabaaa inaa noqdo Malaa,ik duusha!! taasi waa wax aan la gaari Karin.sida darteyd hadafkaga ka dhigo wax aad xaqiijin karto .
R=Realistic: waa inuu macquul yahay hadafkaga
T=Time: hadafkaga waa inaad waqti u yeeshaa hadi aad dhahdo hadafkaas waa ina xaqiijiyo intan noolahay wax micno sooma kordhinayso waa inaa dhahdaa bil gudaheeda waxan rabaa inaaa noqdo qof sidaaa ah …………(hadafkaga ku sheeg)
Qodobo kugu haggaayo inaad is bedesho
1: qofka mar hore inu meel kali ah fadhiisto oo is weydiiyo heerkaga aqoon waa ila intee,dabcigaga waa maxay,maxa kaa qaldan ,maxa ku fiicantahay, Wa maxay afkaartada,hadi laga horyimado afkaartada maxa kaga hortagi kartaaa waa inuu is qiimeya kadib ayuu ka fikiri karaa isbedel Waxa jira SWOTanalysis taaso micnaheda laga so gaabiyey
S=Strength: inu is weydiyo waa maxay awoodada
W=Weakness: xagee baad na ku liidataa
O=Opportunities: waa maxay fursada ku horyaalo
T=Threats: waa maxay qataraha ku hortaagan
2: waa inuu sameeyo qorsho dhameystiran oo isku bedeli karaa
3: Inuu is xisaabiyo markii in mudo ay kaso wareegato waqtigii uu sameyey qorshaha oo is yiraahdo maxaa kaga qabsoomay hadafkaga
4: Waxa ku hormarin kartaa naftada wax walbo oo wanagsan aad sameyso inaad xaqirin haba yaraadaan waxaasi ,waayo waxay kuu keeni karta hadad xaqirto niyab jab .
5: Qofka waa inuu bartaaa isbuuc walba skills cusub waxweyn ma aha inaad barato waayo waxa heysanaa Nimcooyin fara badan taaso aysan heysan jirin Saxaabada Rasuulka (SCW) nimcada aan heysano oo skills kena ina kordhino inaga saacideyso waxa ka mid ahTECHNOLOGY waxan heli karnaa internet waxan heli karnaa jaamacado online ah waxa wax ka baran karnaa Youtube iwm
6: Daruuf walba oo timaado waa inaysan kaa leexinin Target aad leedahay
7: Inaad kalo yeelato samir oo ku xaqiijiso hadafkaga Alle waa la jiraa qofka samra
8: Waxa ugu muhiimsan waa inaad ilaaliso waqtigaaga oo nidaamiso
9: Waa inaad qof kale saacido sababto ah saacidada aad qofka kale saacideyso aad ayey wax kuugu tareysaaa intay asaga wax tareyso in ka badan
10: Hormarkaga waxu ku xirin yahay qofka aad mar walba calaaqada la leedahay qof wanagsan inaa saaxiib la noqoto oo hadafkaga kaa mashquulineyn inuu kugu kaalmeeyo maahine
11: Inaad ka baqin fashil waayo isbedel ayaa dooneyso waxaad sugtaa wax walba qof aan fashilmin guul ma gaaro adiga dadaal hadad fashilanto halkaas ha fadhiisan hore usii wad dadaaalka
12: Garo qaladaadkaga hadad qaldanto qof kale ha eedeynin

N.B: Ugu dambeyn si aad marwalba ula xisaabtanto naftaada waa inaa ku dhejisataa warqad ay kugu qoran yihiin dhamaan ahdaaftada meesha aad sexaneyso ama aad u badan tahay mar walba sida qolkaga Iwm.

W/Q khaled yousuf Guntade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here