Hadal heynta Mooshinkii Madaxweyne Farmaajo oo dhinac kale isku rogay !!

0
676

Hadal heynta Mooshinkii Madaxweyne Farmaajo oo dhinac kale isku rogay !!

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta , baraha bulshada iyo goobaha lagu fadhi diriro aad looga hadal hayay mooshinka xil ka qaadista ee Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Mooshinkan oo dowlada dhaxdeeda ka abuuray khilaaf iyo khal khal siyaasadeed ayaa noqday mid si weyn loo hadal hayo, waxaana wararka ugu weyn ee isbuucii hore ahaayeen wararka la xariira mooshinka iyo khilaafka u dhaeeya Farmaajo iyo Mursal.

Khamiistii lasoo dhaafay ayaa mar qura waxaa meesha ka baxay hadal heynta mooshinkii laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo , waxaana  Warbaahinta iyo baraha bulshada qabsaday xariga Sheekh Mukhtaar Roobow loogu geestay magaalada Baydhabo.

Tan iyo waxii ka dambeeyay khamiistii waxaa warka ugu weyn ee Soomaaliya ka jira warbaahintana ay tabineyso ayaa ah xariga loo geestay Musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed Abuu Manuur iyo xiisada ka dhalatay xarigiisa.

Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa xariga Abuu Mansuur iyo rabshadaha xoogan ee sababay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee wali ka socda magaalada Baydhabo.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhinac kale u rogtay saameynta mooshinka Madaxweynaha laga gudbiyay  , waxa ayna abuurtay dowlada war kale oo meesha ka saaraya hadal heynta Warkii mooshinka ku saabsanaa.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ayaa dhankooda u weecday ka hadalka xariga loo geestay Sheekh Abuu Manuur iyo xiisadaha ka dhashay, waxaana inta badan Wareysiyada ay bixinayaan xildhibaanada iyo siyaasiyiinta uga hadlayaan xariga Abuu Manuur.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xiligan la daaladhaceysa sidii xal looga gaari lahaa mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo iyo xiisada adag ee ka taagan magaalada Baydhabo oo ka dhalatay xariga dowlada u geestay Sheekh Mukhtaar Roobow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here