Hal Koob oo Liin-banbeello ah oo Ku Filan Ka Hortagga Cudurkan Halista Ah

0
1007

Hal Koob oo Liin-banbeello ah oo Ku Filan Ka Hortagga Cudurkan Halista Ah

Daraasad caafimaad oo dhawaan lagu faafiyay joornaalka Neurology ee dalka Mareykan ayaa daaha ka rogtay in koob liinbanbeello ah oo aad maalintii la cabto ay kaa ilaaliso cudurka khatarta ah ee dementia (Asaasaqa), heer gaarsiisan 50%.

Hannah Gardiner, ayaa caddaysay in khudaarta iyo fruits-ka uu faytamiinku ku badan yahay iyo maaddooyinka dheefta ah iyo Antioxidant oo unugyada jirka iyo maskaxda ka ilaalisa iney dhibaato soo gaarto.

Cabitaanka Liin banbeellada waxaa laga helaa Fructose, arrintaas oo ka dhigan inaaney habbooneyn in la iska badiyo, sidaa darteed; waxaa lagu talinayaa inaan maalintii hal koob wax ka badan aan la isticmaalin.

Daraasaddan ayaa lagu sheegay in liinta la cabbo ay noqoto mid dabiici ah oo aaney ahayn mid warshad soo martay, si looga dheeraado sonkorta tirada badan ee warshaduhu isticmaalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here