Markab laga leeyahay dalka India oo xeebaha Somaliya ku qabtay Dooni hub siday

0
689

Markab laga leeyahay dalka India oo xeebaha Somaliya ku qabtay Dooni hub siday

Markab laga leeyahay dalka Hindiya oo howlgal looga hortagayo Burcad badeeda Soomaalida u joogo xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ku dhaw dhaw waxa uu markii labbaad  muddo todobaad ah qabtay Doon siday Hub.

Howlgalkaan gaarka ah oo uu markaabkaan laga leeyahay Hindiya ee loo yaqaano INS Sunnya ka fuliyey meel 20 Mile u jirta xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay Shan kamid ah hubka sida darandooriga u dhaca, oo ay kamid ahaayeen qoriga AK47.

Captanka Markabkaani oo lagu magacaabo DK Sharma ayaa sheegay in ay sii xoojinyaan howlagalada nuucaani ah, ayna tahay sababta ay halkaan u joogaan, waxa kale uu sheegay in ay sii daayeen doontaasi ka dib markii ay hubka kala wareegeen.

“Waxa ay inoo sheegeen markaan wareysanay raga doonta watay in ay isku difacaayeen oo ay kalluumeysato ahaayeen, balse xadiga intaas la eg ee hub ah uma muuqda mid kalluumeysato ay u baahantahay in ay isku difaacdo” ayuu shegay Captan Sharma.

Markaab laga leeyahay dalka Hindiya ayaa waxa uu bilahii u dambeeyay xeebaha Soomaaliya ka waday howlgallo la mid midkaani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here