RW Khayre iyo wafdigiisa oo lagu soo dhaweeyay magaalada Doxa ee dalka Qatar

0
678

RW Khayre iyo wafdigiisa oo lagu soo dhaweeyay magaalada Doxa ee dalka Qatar

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Qatar oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay.

Ra’iisul Wasaaraha oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Qatar ayaa la filayaa in uu madaxda dalkaas la yeesho kulamo ay uga wada hadlayaan xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shirka sannadlaha ah ee Madasha Dooxa oo sanadkii 2017 uu sidaan oo kale uu uga qayb galay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka mid ah madaxda lagu casuumay shirka Doha Forum oo uu sanadkii hore ka qeyb galay, Waxaana shirka furi doona Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka Sheikh Mohamed Bin Abdurahman Al-Thani.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres iyo madax kale, ayaa la filayaa iney ka qeybgasho shirkan, kuwaasoo hadalo ka jeedin doona.

Xasan Cali Khayre, ayaa qaadan doona kalmad uu uga  hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka horumaradii ay sameysay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Framaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here