Madaxweynaha Eritrea oo maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho

0
513

Madaxweynaha Eritrea oo maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta oo Khamiis ah booqasho rasmi ah ku imaan doona magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweyne Farmaajo.

Booqashada Madaxweyne Isaias ee Muqdisho ayaa qaadan doona labo cisho, sida ay sheegayaan warar laga helayo Madaxtooyada.

Qoraal goor dhow la soo dhigay Barta Twitter-ka Villa Somalia ayaa lagu shaaciyay booqashada Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Eritrea ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal oo dhowaan dib u bilowday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii July booqday magaalada Asmara ee dalka Eritrea, isagoo noqday Madaxweynihii u horeeyay oo Soomaaliyeed oo booqasho ku taga Eritrea.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray inta badan waddooyinka waa weyn.

Calanka Eritrea iyo Soomaaliya oo la is dhinac suray ayaa laga taagay waddooyinka magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa qeyb ka ah isbaheysiga saddex geesoodka ee Eritrea iyo Itoobiya, waxaa dhowaan shirar ka dhacay magaalooyinka Bahar Dar ee dalka Itoobiya iyo Asmara ee dalka Eritrea lagu heshiiyay iskaashi dhaqaale oo dhex mara saddexda dal.

Booqashada Madaxweynaha Eritrea ee Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo xiisad siyaasadeed uu galay dalka, kaddib mooshin xil ka qaadis oo laga keenay Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here