Ciidmaada amaanka oo Baydhabo ku qabtay 21 Bam nooca Gacanta laga tuuro.

0
543

Ciidmaada amaanka oo Baydhabo ku qabtay 21 Bam nooca Gacanta laga tuuro.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka ay sameeyeen baaritaano lagu xaqiijinayo amniga Xarunta Gobolka Baay.

Baaritaanada, ayaa ujeedkiisa ahaa sidii looga hortagi lahaa falalka amniga ka hor imanaya maadaama Baydhabo Todobaadka danbe ay ka dhaceyso doorashada Madaxweyne oo indhaha aad loogu hayo.

Taliyaha Saldhiga Booliska Baydhabo Mukhtaar Dugudoow, ayaa Saxaafada u sheegay in Ciidamada amniga ay gacanta ku soo dhigeen 21 Bam oo ah nooca gacanta laga tuuro.

Bambaanooyinkan tirada abdan, ayuu sheegay in laga soo qabtay Kontoroolka laga soo galo Magaalada, waxaana siday gaari rakaab ah oo dadweynaha qaada.

Ujeedka laga lahaa Qaraxyadan Magaalada la soo galiyay, ayuu sheegay iney eheyd oo kaliya sidii loogu dhibaateyn lahaa Shacabka ku nool xarunta KMG-ka ah ee Koofur Galbeed.

Si Kastaba, Qaraxyo ka dhacay magaalada Baydhabo 13-kii October ee sanadan, waxaa ku geeriyooday dad ka badan 20 ruux, waxaana sidoo kale jiray bambaanooyin habeenadii lagu tuuro qeybo kamid ah magaalada Baydhabo.

19-ka Bishan oo ku beegan ARbacada Todobaadka danbe, Baydhabo waxey marti galineysaa Doorasho Madaxweyne, waxaana wax soo dooranaya Xildhibaanada Koofur Galbeed, iyadoo dadka ku loolamayo ee ugu cad cad ay ku jiraan, Wasiirkii Hore ee Tamarta Xukuumada Khayre, C/Casiis Lafta Gareen, Taliihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo Hogaamiye Kuxigeenkii hore ee Shabaab Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here