Madaxweyne Muuse Biixi oo Xadhigga Ka Jaray Bandhigga Carwadii 8-aad Ee Somaliland

0
776

DAAWO : Madaxweyne Muuse Biixi oo Xadhigga Ka Jaray Bandhigga Carwadii 8-aad Ee Somaliland

Hargeysa (Dalmar-News):- -Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xadhigga ka jaray bandhigga Carwadii siddeedaad ee Somaliland oo laga daah-furay magaalada Hargeysa.

Carwadan oo ay soo qaban qaabisay Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa sannadkiiba hal mar laqabta, isla markaana ay kasoo qayb-galaan ganacsatada badeecadaha kala duwan dibadda ka keentay iyo kuwa wershadaha wax soo saar dalka ku leh, waxaana madaxweynaha kala qaybgalay hoggaanka rugta Ganacsiga, wershadaha iyo Beeraha, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo hoggaanka shirkadaha waaweyn ee dalka ka shaqeeya, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku hayey horumarka ay ganacsatada dalku ku tallaabsadeen iyo baahida loo qabo in mar walba la diyaariyo madal ay ku kulmi karaan ganacsatada iyo macaashoodu.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here