DEG DEG : Kudhowaad 100 Xildhibaan oo Gudoomiye Mursal u gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo.

0
700

DEG DEG : Kudhowaad 100 Xildhibaan oo Gudoomiye Mursal u gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in galabta ay kulan wada qaateen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka iyo Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa oo uu daganyahay Gudoomiye Mursal, ayaa la xiriirtay mooshin ay wadeen Xildhibaano gaaraya Boqol, kaasoo ka dhan ah Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo).

Xildhibaanada kulanka ka soo muuqday oo u abdnaa kuwa mucaaradka ah, ayaa laga xusi karaa Xildhibaan; C/fitaax Daahir, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow, Xildhibaan Axmed Macalin iyo xubno kale.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa qabtay Mooshinka, iyadoo la soo bandhigay Mooshinkaas oo Shabadeysan kaasoo dhex wareegaya baraha Bulshada, waxaana qeybta danbe ku saxiixan Xoghayaha Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux, taasoo ka dhigan in Mooshinkan uu maray habraac sax ah.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay, ayaa inoo sheegay in tiradooda ay yihiin 92 Xildhibaan, Kulamada soo socda ee baarlamaankana lagu soo bandhigi doono.

Si Kastaba, lama oga halka uu sladhigan doono Mooshinkan,waxaana Mooshin ka keeni kara Madaxweynaha 92 Xildhibaan oo ah saddex meel meel tirada guud ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Siyaasada guud ee dalka, ayaa galeysa xaalad kale oo jah wareer ah, waxaana durbadiiba Villa Somaliya hareeyay kulamo gaar gaar ah iyo mid guud oo ka dhan ah Mooshinkan, waxaana qorshuhu yahay sidii mooshinka loo moosi lahaa kahor inta aan la keenin Xarunta Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here