Muhaajiriin Nigerian ah oo ku noolaa Liibiya oo dib ugu laabtay dalkooda

0
635

Muhaajiriin Nigerian ah oo ku noolaa Liibiya oo dib ugu laabtay dalkooda

Hey,ada maareynta masiibooyinka deg deg ah ee Nigeria ayaa waxay shaaca ka qaaday in 193 muwaadin ay dib uga soo laabteen dalka liibiya oo qaxooti ahaan ay ku joogeen.

Mr Segun Afolayan oo ah sii haya isku duwaha NEMA ayaa waxaa uu sheegay in tiradaan ay tahay tii labaad kadib dadaalo badan oo ay sameeyeen iyaga oo kaashanaya hey,adaha caalamiga.

Dadkaan ayaa habeenimadii xalay oo khamiis aheyd abaara 8:32pm laga dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Lagos.

Afolayan ayaa intaa raaciyay in dadkaan ay qeyb ka ahaayeen muwaadiniin go,aansatay in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan waxaana caawiyay laanta qaramada midoobay u qaabilsan socdaalka ee loo yaqaan IOM.

Nigerian-ka dib ugu laabtay dalkooda ayaa 87 ka mid ah waxay ahaayeen haween waxayna wateen shan gabdhood oo yar yar.

Mr Segun Afolayan oo ah sii haya isku duwaha NEMA ayaa ugu baaqay shacabka Nigeria in ay joojiyaan tahriibka ay uga tagayaan dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here