DAAWO: Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Maanta Magacaabay Gudiga Xalinta Khilaafka Baarlamaanka Puntland Iyo Tirada Gudiga Uu Magacaabay Madaxwayne Gaas

0
493

DAAWO: Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Maanta Magacaabay Gudiga Xalinta Khilaafka Baarlamaanka Puntland Iyo Tirada Gudiga Uu Magacaabay Madaxwayne Gaas

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiilada Puntland.

Guddigan oo ka kooban 8 Xubnood, ayaa dhamaantood waxey yihiin rag, kumana jirto wax dumar ah, waxaana durbadiiba loo sameeyay Guddiga Gudoomiye iyo Xoghaye.

Gaas, ayaa qoraal ku taariikheysan manata oo uu soo saaray, waxa uu ku sheegay in magacaabistan ay ka dnabeysay kadib markii uu arkay baahida loo qabo in la dardra geliyo howlaha la xiriirta doorashada.

Si Kastaba, Magacaabista Guddigan, ayaa ku soo aadeysa iyadoo Sabtidii Todobaadkan, qoraal ay soo saareen qaar kamid ah Musharixiinta Puntland ay uga digeen in Madaxweyne Gaas oo mar kale sharaxan uu sameeyo Takri Fal awoodeed, waxeyna ku baaqeen inuu ka istaago soo xulista iyo sameynta Guddiyada qabailsan doorashada.

Doorahsada Madaxtinimo ee Puntland oo ay ka harsantahay wax ka yar 40 Cisho, ayaa la filayaa iney qabsoono bilwoga January hadaan waxba iska bedelin Jadwalka doorashada.

 

HOOS KA DAAWO WARAKAN :

https://www.youtube.com/watch?v=_NXHsDup4iY

Halkan Hoose ka aqriso Qoraalka ka soo baxay C/weli Gaas:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here