Turkiga Oo Ugu Baaqay Suxufiyiinta Soomaalida Inay Si Wanaagsan Uga Hadlaan Xaalladaha Dalkooda

0
471

Turkiga Oo Ugu Baaqay Suxufiyiinta Soomaalida Inay Si Wanaagsan Uga Hadlaan Xaalladaha Dalkooda

Metin Mutanaglu oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Guud iyo Tifaftiraha Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Shirweynaha Horumarinta Iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalladda Istanbul ee Turkiga.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in Wakiilladda Warbaahinta Somalia inay so wanaagsan uga hadlaan Horumarka dalkooda, isla markaana ay gacan ka geystaan sidii ay Somalia mar kale dib isugu taagi lahayd cagaheeda, wa sida uu hadalka u dhigay.

Metin Mutanoglu waxa kale oo uu tilmaamay inay Somalia ka tisqaadeen Tobaneeyo Kanaalo Telefishin, Xarumo Idaacadeed iyo Websaytyo, isla markaana ay ku gilan yihiin inay Caalamka u sheegaan Arrimaha Qaranka Somalia.

Ku-xigeenka Agaasimaha Guud iyo Tifaftiraha Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency, Metin Mutanoglu waxa uu Yididiilo Farxadeed ka muujiyey Dib-u-curashada Somalia iyo doorka ay Dowladda Turkiga ka qaadanayso Horumarka Somalia iyo doorka Warbaahinadda ee dalalka ka soo kabanaya Colaadaha.

Sidoo kale, Mutanoglu waxa uu Khudbadiisa asaas uga dhigay Cilmi-baaristiisa ku aadan sida ay Warbaahinta Turkiga u soo xigtaan Warbaahinta Soomaalidaa, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Wararka ugu muhiimsan yihiin kuwa ka hadla Qaraxyadda, Colaadaha Hubeysan, Weeraraddda Alshabaab iyo warar ku aadan Taageeradda ay Turkiga siiyaan Somalia.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud iyo Tifaftiraha Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency, Metin Mutanoglu waxa uu soo hadal-qaaday Saldhiga Milliteriga Turkiga ku leeyihiin magaalladda Muqdisho, wuxuuna xusay in Faa’idada Saldhigaasi la arki doono sannadaha soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Turkiga waxay ka mid tahay Dowladaha ugu waa weyn ee Taageeradda siiya DFS, waxayna Safaaradda ugu weyn ee Qaaradda Afrika ku leeyihiin magaalladda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here