DAAWO SAWIRADA : Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Hargeysa Loogu Soo Dhaweeyey

0
637

DAAWO SAWIRADA : Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Hargeysa Loogu Soo Dhaweeyey

Hargeysa (Dalmar-News):- Shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa si ballaadhan oo aan kala hadh lahayn usoo dhaweeyey wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo muddo laba toddobaad ah safar shaqo ku marayey gobollada bari ee dalka.

Qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee caasimadda oo ay hormood u yihiin maamulka gobolka Maroodi-jeex, xildhibaannada golaha deegaanka caasimadda Hargeysa iyo madaxdoodu oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, caleemo qoyanna lulaya, ayaa iyaga oo isku duuban madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo ku qaabilay bariga kaantaroolka Halleeya, waxana halkaas hadallo mahadnaq ah uga jeediyey Madaxweynaha iyo xubno kamid ah dadka magaca ku leh bulshada reer Somaliland, ka hor intii weftiga loo gelbin dhinaca gudaha caasimadda Hargeysa oo ay tubnaayeen dadweyne aad u tiro badan oo ujeellan aragtida madaxweynaha.

Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo kamid ah ganacsatada reer Somaliland ee caanka ah oo ugu horrayn hadal kooban ka jeediyey, ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana uu si weyn u bogaadiyey safarka muddada qaatay ee uu madaxweynuhu ku tegay gobollada Bariga dalka oo uu xusay inuu dhaliyey natiijo guul u ah guud ahaanba shacabka reer Somaliland.

Suldaanka guud ee Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo madasha loo asteeyey inuu madaxweynuhu bulshada kala hadlo, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana uu si kal iyo laab ah ugu mahadnaqay bulsho weynta ku dhaqan caasimadda Hargeysa ee aan u kala hadhin soo dhaweynta madaxweynaha.

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Mudane Jaamac Xaaji Axmed iyo maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo goobta ka hadlay, ayaa si guud ugu mahadnaqay shacabka ku dhaqan caasimadda ee soo dhaweynta farxaddu ka muuqato ku qaabilay madaxweynaha iyo weftigiisa.

Image may contain: 21 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: one or more people, car and outdoorImage may contain: one or more people, crowd, car, tree and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, car, crowd and outdoorImage may contain: 2 people, people smiling, people standing, suit and outdoorImage may contain: 2 people, people standing, suit, wedding and outdoorImage may contain: one or more people and outdoorImage may contain: 8 people, people smiling, people standing, suit, beard and outdoorImage may contain: 5 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 8 people, people smiling, people standing, suit and outdoorImage may contain: 5 people, people standing and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, people standing, suit and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people standing, crowd, suit and outdoorImage may contain: 6 people, people standing, suit, crowd and outdoorImage may contain: 24 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 3 people, people sitting and suitImage may contain: 5 people, people standing, suit and weddingImage may contain: 2 people, people smilingImage may contain: 3 people, people smiling, sunglasses and suit

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here