Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda

0
605

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda

Wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Safarka Madaxweyne Farmaajo oo ah lugtii saddexaad ayaa horay u soo maray dalalka Talyaaniga iyo Turkiga oo uu kula kulmay Madaxda dalalkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in maanta uu Kampala kula kulmo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal, iskaashiga ammaanka, iyadoo Uganda ay ciidamada ugu badan ee AMISOM ka joogana Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Uganda ayaa ah kii 3aad oo uu ku tago tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha 8 February 2017-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here