Jilaa caan ka ah dalka Hindiya oo lagu magacaabo Alok Nath oo kufsi loo haysto

0
820

Jilaa caan ka ah dalka Hindiya oo lagu magacaabo Alok Nath oo kufsi loo haysto

Booliiska dalka Hindiya ayaa diiwaan galiyay dacwad ka dhan ah Alok Nath oo ah nin jila aflaanta Hindida ee shirkadda Bollywood, ka dib markii ay dacwad ka gudbisay Vinta Nanda oo ku eedaysay in uu kufsaday.

Waa mid ka mid ah kiisas yar oo booliiska Hindiya ka diiwaan galiyeen dadka magacooda lagu xusay dhaqdhaqaaqii la baxay #MeToo kaas oo aad u xoogaystay bilihii u dambeeyay.

Dhaqdhaqaaqaas ayaa horseeday in dumar badan ay ku dhiiradaan in ay ka hadlaan tacadiyo ay sheegeen in ay u gaysteen dad caan ah ama saamayn leh.

Bishii Oktoobar ayayay Nanda tacaddi galmo ku eedaysay jilaagan caanka ah iyada oo sheegtay in uu kufsaday si faahfaahsan ayayna xogtaas ugu soo qortay Facebook.

Nath ayaa diiday eedaymahaas wuxuuna maxkamad geeyay dacwad sumcad dil ah oo haweenaydaas ka dhan ah.

Wuxuuna ka dalbaday raaligalin iyo hal rubi oo ah astaan caan ah.

Jilaaga ayaana labo atariishooyin oo kale ku eedeeyay in ay tacadiyo galmo la xiriira kula kaceen isaga.

Nanda ayaa Nath la jishay taxane telefishin oo caan baxay sannadihii 1990-yadii kaas oo magaciisu ahaa Tara, waxayna Facebook-geeda ku soo qortay in sidoo kale tacadi galmo la xiriira loo gaystay atariishadii koobaad ee filimkaas.

Tan iyo markii eedaymahaas ay soo baxeen Nath ayaa aad u diiday eedaymahaas ka dhanka ah.

Nanda ayaa sheegtay in ka hadlidda arrintan ay ku qaadatay 19 sano “kuwa kale ee dhibaato taas oo kale ah soo wajahdayna waxay ka dalbatay in ay ka hadlaan”.

Inkastoo aysan magaciisa xusin markii hore, dad badan oo baraha bulshada isticmaala oo sheekada aad isula sii wadaagay ayaa qiyaasay in ay ula jeeddo Nath. Markii dambana iyada ayaa xaqiijisay in ay isaga ula jeeddo.

Eedayntaas ka dibna Nath ayaa saxafiyiinta u sheegay in uusan “ku raacsanayn” eedaymaha “kufsiga” haddii ay arrintaas dhacdayna uu qof kale gaystay”.

Bilooyinkii u dambeeyay intii uu socday dhaqdhaqaaqa #MeToo dumar badan oo Hindiya ku nool ayaa eedaymo ujeediyay dad magac leh oo ay ka mid yihiin, majaajilaysteyaal kala duwan, saxafiyiin, qoraayaal, jilaayaal iyo dad kale oo aflaanta ka shaqeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here