Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday Heshiis ku saabsan iskaashiga Duulista Hawada

0
685

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday Heshiis ku saabsan iskaashiga Duulista Hawada

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa dalka Sacuudiga uga qeyb galay shirka Aasaaska Amniga Hawada Dowladaha Carabta.

Shirka ayaa intii uu socday looga hadlay Iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta bad-qabka diyaaradaha isticmaala hawooyinkooda.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Sacuudiga Nabeel Bin Mohammed Al amudi iyo Madaxa Shirkadda Saudi Airlines, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga labada dal ee dhinaca duulista Hawadan.

Labada wasiir ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashi dhinaca duulista Hawada labada wadan, kaasoo uu qeyb ka ah barnaamijka lagu soo nooleynayo Shirkaddii Somali Airlines.

Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dalalka taageera dowladda Soomaaliya, waxaana xiriirka labada dal uu ahaa mid soo jireen ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here