Khayrku Marwalba Isgaa Ka Adag Sharta (Daraasad Cusub)

0
950

Khayrku Marwalba Isgaa Ka Adag Sharta (Daraasad Cusub)

Khubaro ka tirsan Jaamacadda Buffalo ee dalka Mareykanka ayaa baaritaan cilmiyeed ay sameeyeen ku ogaaday in deris samafal badan uu khayrka ku tallaalo dadka kale, xitaa kuwa si lama filaan ah waqti kooban ula falgala.

Daraasaddan ayaa lagu faafiyay website-ka Jaamacadda Bufalo. Khubarada cilmiga bulshada ku takhasusay ayaa ogaaday in dabaqadda dhexe ee Qarnigan 21aad, ay awoodaan iney la danqadaan dadka saboolka ah ee aan waxba haysan isla markaana ay garab istaagaan, si ka badan dadka taajirka ah ee dabaqadda sare.

Iyadoo arrintaasi ay jirto, falgalka mirodhalkiisu waxa uu si aad ah u muuqanayaa marka uu qofku si toos ah ula mucaamilayo oo u caawinayo deriskiisa faqiirka ah. cilmi-baarayaashu waxey muujiyeen xiriirka tooska ah ee qofka iyo deriskiisa uu xiriir kalgaceyl ka dhiso 80% ilaa 90% bulshada, waa marka dadka wax haystaa u dhaqaaqaan iney garab istaagaan dadka saboolka ah ee aan waxba haysan.

Khubaradan oo daraasad ka sameeyeen 65 xaafadood iyo 3-kun oo qoys, ayaa caddeeyay in mar kasta oo dadka wax haystaa ay la danqadaan oo ay caawiyaan deriskooda saboolka ah, ay hoos u dhacay heerka saboolnimada, gardarrada, xadgudubka, dhibaatooyinka dhaqaale iyo waxyaabaha sharta ah oo dhan.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here